Friday, July 4, 2025

K/Galbeed oo ku dhawaaqday inay bilaabeyso canshuur ka madax bannaan dowladda Somaliya

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo canshuur toos ah oo ka madax bannaan dowladda Federaalka kadib markii ay wada shaqeyn ka waayeen  xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maamulkaasi C/llaahi Sheekh Xasan  oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa   sheegay in Maamulkooda ay billaabayaan in ay qaadaan Canshuurta Dalagga iyo Ganacsiga ee  degaannada Maamulkaasi hoos yimaada.

Wuxuu intaas ku daray in Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya ay  muddo hore oo sanad laga joogo u qoreen Qoraal ay kaga codsadeen inay qaaddo Canshuurtaasi, laakiin socon weyday  oo aysan wax jawaab ah ka helin.

C/llaahi Sheekh ayaa ku eedeeyay dowladda Federalka iyo wasaaradda ganacsiga in Maamulka Koofur Galbeed aan lagu casuumin Shirkii Wasaaradda Ganacsiga ee Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo dhowaan Muqdisho k dhacay, isagoo caddeeyay inaysan wax shaqo ah ku lahayn wixii kasoo baxay shirkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON