Wafdigii Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ee ku sii jeeday maanta Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu dib u dhaca ku yimid safarkooda.
Wararka ayaa sheegaya in Ahlusunna ay diiday xubno ka mid ahaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo Ahlu suna ugu eedeysan abaabuul dagaal iyo caddowga koowaad ee ururkaasi leeyahay.
Diyaar garow weyn ayaa ka socday magaalada Dhuusmareeb, waxaana Diyaaradii qaadi laheyd wafdiga Ra’iisal wasaaraha lagu diyaariyay Garoonka Muqdisho iyadoo ay socdaan waanwaan ku saabsan xalinta khilaafka ku saabsan xubnaha ka mid noqonaya wafdiga Cumar C/rashiid.
Wafdiga waxaa kaloo ka mida mas’uuliyiin ka tirsan urur Goboleedka IGAD, lamana oga in safarka lagu heshiin doono iyo in kale.
Goobjooge.com