Tuesday, July 15, 2025

XOG: Khilaaf ka taagan degmo cusub oo lagu kordhinayo Gobolka Banaadir & caasimadda Muqdisho

Muran iyo khilaaf xoog leh ayaa ka taagan qorshe Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale  ku doonayo inuu degmo cusub ku soo biiriyo  degmooyinka Gobolka Banaadir oo ololaheeda muddooyinkii danbe uu ka socday Muqdisho.

Degaanka Garas-Baaley ee xuduudaha jaarka la ah degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa la sheegay in laga dhigayo degmo cusub, taasoo beelo dhowr ah ay isku qabsadeen guddoomiyaha degmada loo magacaabayo iyo dadka u badan degmada cusub.

Ciidamada maamulka Gobolka Banaadir ayaa la geeyay degaankaasi iyadoo muranka uu hareeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ku lug yeeshay ololaha sameynta degmada cusub. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in qorshaha degmada cusub uu ogolaaday, balse la isku hayo magacaabidda cidda guddoomiye ka noqoneysa iyo jagooyinka kale ee degmada Garas-baaley.

Degmada Kaxda oo uu magacaabay  madaxweynihii hore Sheekh Shariif Axmed ayaa sharcinimadeeda muran ka taagna muddo 2 sanadood ah, waxaana beesha degaankaasi ay olole weyn u gashay in loo aqoonsado degmo, taasoo markii dambe suuragashay inkastoo Dastuurka KMG ah uu degmooyinka dalka u aqoonsan yahay  degmooyinkii jiray ka hor 1991 intii jiray xiligii dowladii Kacaanka ee Siyaad Barre.

Waxaa la yaab leh maamulka degmadaasi Kaxda iyo dadka degaanka inay ka horjeesteen dhismaha degmada cusub ee Garas-Baale, waxaana hadda arrinta gacanta kula jira guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xilliyada kala guurka ah ayaa caadiyan waxaa dhacda in la magacaabo degmooyin iyo xitaa gobollo sharci darro ah, iyadoo madaxda markaas xilka ka sii dageysa ay ka faa’iideystaan inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, waxaana la xusuustaa in Sheekh Shariif markii xilkiisu soo dhowaaday uu magacaabay Gobol cusub iyo in ka badan 13 degmo oo ka mid noqday caqabadaha dowladii ka danbeysay ay wajahday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON