Sunday, July 13, 2025

Khilaafkii shirka cadaado oo sii xoogeystay iyo Guddi farsamo cusub oo lagu dhawaaqay

Guddi cusub oo farsamo ayaa loo dhawaaqay shirka Cadaado iyadoo khilaafkii jiray uu sii xoogeystay

Wararka laga helayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo uu haatan ka socdo shirka maamul u sameynta goboladda dhexe balse la isku mari la’ yahay ayaa sheegaya in saxiixayaasha Maamulada gobolada dhexe ay go’aansadeen inay guddi farsamo magacaabaan kadib markii ay dhowaan sheegeen inay kala direen guddigii hore.

cadaadoshir

[ad name=”HTML”]

Waxaa goor dhow la filayaa in Cadaado looga dhawaaqay guddida cusub ee farsamo kaasoo ka kooban 27 xubnood, soona xuli doona ergooyinka ka qeyb galaya shirka ee dooran doona Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisayo. Guddigii hore ee ay madaxda u tahay Xaliimo Ismaaciil (Xalimo Yarey) ayaa ku gacan seyray in la kala diray.

Guddiga farsamad ayaa sheegay maanta inay xareeyeen qeybtii koowaad ee ergada shirka ka qeyb galeysa oo ka kooban 24 ergo oo ka socda beelaha iyo degaanada goboladda dhexe, waxaana lagu wadaa in qeybaha dhiman la xareeyo, iyadoo eregada guud ee shirka ay gaareyso 350 ergo.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaaf ka taagan Gobolada Dhexe iyo Maamulka loo sameenayo, iyadoo xaaladu kasii dareyso, waxaana magacaabidda guddigan cusub kadib shirku isu bedeli doonaan mid leh laba guddi oo iskja horjeeda. Arrinta ugu weyn ee khilaafku salka ku hayo ayaa ah Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo saxiixayaasha ay ka horjeedaan kuna eedeynayaan in dowladda federaalka iyo guddigii hore ee farsamada ay wataan.

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON