Khudbadii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka jeediyay wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa ahayd mid xambaarsan xog iyo macluumaad uu madaxweynaha sheegay inuu la wadaagayo dadka.
Farmaajo wuxuu ka baxay ballantii Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo lagu qanciyey inaysan hadallo xanaf leh jeedin, madaxweynahana ku bogaadiyaan kaalinta odaynimo ee uu leeyahay, wuxuuna si cad u sheegay inaan wax heshiis ah ka dhicin shirka oo uu ahaa is arag lagu sheekeystay oo uu wixii lagu soo qaaday uu la wadaagi doono Baarlamaanka.
Inkastoo taageerayaasha Madaxweynaha oo mar waliba isku daya inay fashilkiisa guul u bedelaan ay isku dayeen inay ku amaamaan Khudbadda qaawan ee Farmaajo, haddana xaqiiqada waxay ahayd inay ka marneyd wax siyaasad ah oo ay caddeyn u ahayd shaqsiyadda Madaxweynaha.
Khudbadda waxay soo bandhigay saddex arrimood oo ku saabsan shaqsiyada Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo, waxayna kala yihiin:
1- HOGGAAN XUMO
Farmaajo qirtay inuu soo diyaariyay Sharcigii Doorashada ee ay meel iska dhigeen Baarlamaanka, wuxuuna ku dooday si aan loo eedin inuu saxiixay sharci uu ogyahay inuusan soconeynin oo khaladaad badan ku jiraan, taasoo noqoneysa hoggaan xumo.
Kuma qasbaneyn Madaxweyne Farmaajo inuu saxiixo sharci la isku qabsan doono, wuxuuna dastuurku siiyay awood uu ku celin karo labada Gole si dib loogu saxo marka uu sababeyn sharci u sameeyo. Waxaa meeshaas ka muuqda mas’uuliyad darro weyn iyo rabitaan in qalalaase siyaasadeed uu dalku galo si loo gaaro dano qarsoon, mana jiraan wax uu ku eedi karo Baarlamaanka uu hadda eeda saarayo oo la ogyahay in guddoonkiisa uu xiriir kala dhaxeeyo.
2- GO’AAN QAADASHO LA’AAN
Madaxweyne Farmaajo intii uu talada hayey wuxuu nuujiyey inuusan go’aano adag qaadan karin, iyadoo xaalado adag oo dalka soo maray la waayey meel uu ka baxay, sida kiiskii Qalbi-dhagax, Arrinta Badda iyo dhacdooyin kale oo badan.
Waxaa dad badan tuhunsan yihiin in go’aannada Madaxweynaha qaato ay ku xiran yihiin shaqsiyaad kale oo qaarkood la hadal hayo, taasina waxay keentay inaan lagu arag wax tanaasul ah, sida ka dhacay shirarkii Dhuusamareeb 2, isagoo ku dhiiran waayey wax tallaabo ah oo uu qaato, markii uu ka hor yimid xitaa war-murtiyeedkii shirka laga soo saaray.
GUNAANAD
Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu guddoon jilicsan yahay, gartiisuna eex tahay, ka sokow waxaa meesha ka baxday daacadnimadii ay dad badan ku taageereen, balse laga wayey ficilladiisa, waxaana caddeyn u ah inuusan marna ka dhabbeyn dhammaan ballanqaadyadiisii uu Doorashada ku galay, sidoo kale kama shaqeyn Doorasho uu qabto, taasoo keentay inaan la ogeyn nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa xilli ay Baarlamaankii u harsan tahay 4 bilood, isagana 6 bilood oo qura.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaliya jecel yahay inta indho la’aanta u taageerta, waana madaxweynaha kaliya ee xilliyadii danbe sameystay shaqsiyaad inay isaga ammaanaan oo iidheh u sameeyaan shaqaaleysiiyay, waxayna ka muuqatay inuu ka qeyb qaatay ololihii xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari iyo isku daygii ahaa inuu madax taageersan wada geeyo shanta maamul Goboleed oo kusoo dhammaatay fashilkii dagaalkii uu la galay Axmed Madoobe.
Waxaa hadda welwelka ugu weyni yahay sidii kursiga uu doorashada ku yimid loogu qancin lahaa inuu u tartamo oo haddii xaaladu is mari waa’ kusii socoto laga dhaxli doono khalkhal siyaasadeed oo dalku galo, iska daa taariikh uu ka tagee.
FAALLADA GOOBJOOGE