Waxaan si aan hore loo arag baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto ku lagu faafiyay sawiro iyo video ay ka muuqdaan wiilal yaryar oo la sheegay inay gabar ku kufsadeen degmada Goldogob ee Gobolka Mudug oo raacsan maamulka Puntland.
Dadka falkan ku lug leh ayaa isugu jira kuwo faaxishada iyo dembiga dhacay sii faafinaya, qaar inay ka xun yihiin ku doodaya haddana gacan ka geysanaya, kuwo wax-ma-garato ah oo falkaas ku doonaya inay fitno ka abuuraan si ay beelo walaalo ah isugu diraan.
Wararka kiiskan laga helay intooda rasmiga ah waxaa ka mida in falkan uu dhacay ku dhowaad muddo bil ah ka hor intii aan la faafin, wuxuuna ka dhacay miyiga Goldogob, iyadoo lagu eedeeyay inay geysteen 6 wiil oo yaryar da’adoodu u dhaxeysa 13 ilaa 16 sano jir. Kiiska waxaa ku dhex jira ciidamada Booliiska Goldogob oo la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen dhalinyarada marka laga reebo mid ka mida oo baxsaday, waxaana mid kale laga soo qabtay gudaha Itoobiya.
Kiiska ayaa ka socda maxkamadda Goldogob, iyadoo xaaladda gabadha dhibaatadu gaartay oo la sheegay inuu u wehliyo dhaawac Mindi lagu dhuftay ay gacanta ku qabtay wasaaradda haweenka maamulka Puntland.
Haddaba waxaa isweydiin leh cidda ka faa’iideysa in falkan laga dhigo filim laga daawado baraha bulshada, iyadoo uu yahay kiis ay gacanta ku hayaan hay’adaha ku shaqada lahaa, waxaa kaloo wax laga xishoodo ah in wiilal yaryar oo la tuhunsan yahay muuqaaladooda la faafiyo.
Ciddii sawirrada iyo filimka heysay waxay ahayd inay la wadaagto ciidamada iyo hay’adaha sharciga oo aan ka dhigin fadeexad umadda oo dhan lagu fitneeyo, sidaas darteed waa in laga digtoonaadaa arrimahan oo kale. waxaana in qofka denbiga sameeyay uu ka sii xun yahay kan faafinaya faashixada.
Qof kasta oo ka qeyb qaatay faafinta sawiradda iyo video falkan ku saabsan waxaa u furan inuu ka towbad keeno oo ka saaro bartiisa, isla markaana ka waantoobo inuu isagoon ogeyn naftiisa u soo jiido dembi.
Goobjooge.com