Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xiisad dhinac ammaanka ah ay ka jirto magaaladaasi iyadoo madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam uu amar ku bixiyay bandow lagu soo rogay magaalada.
Xaaladda degdegga ah ee la geliyay magaalada ayaa ka dambeysay markii ciidamo taabacsanaa Barre Hiirale dhowaan lagu soo xareeyay magaalada, iyadoo laga keenay degaanka Goobweyn.
Shir arrinta looga hadlayo ayaa ka socda xarunta AMISOM ee magaalada Kismaayo, waxaana shirka ka qeyb galaya Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, Madaxweyne Ku xigeenkiisa C/laahi Sheekh Ismaciil (Fartaag), Wasiirka Amniga Jubaland Jeneraal Darwiish iyo taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo ka wada tirsan AMISOM.
Gaadiidka dagaalka oo ay saaran yihiin ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ayaa lagu arkayaa magaalada Kismaay, waxaana jira diidmo ka imaaneysa taliyeyaasha Maamulka Axmed Madoobe oo diidan ciidamada lagu soo xareeyay magaalada.
Bandowga Magaalada lagu soo rogay ayaa la shaaciyay inuu bilaabanayo 5:00 Galabnimo, isla markaana socon doono ilaa salaadda subax.
Goobjooge.com