Tuesday, July 15, 2025

Kolonyo AMISOM ka tirsan oo lagu qarxiyay duleedka Degmada Mahadaay

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo mareysay degaanka Kulan oo degmada Mahadaay.

Qaraxa ayaa  Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, waxayna uu qabsatay Gaari ka mida kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM e ka howlgala Magaalada Jowhar.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay  rasaas xoog leh fureen kadib qaraxa, iyadoo la dhaawacay dad shacab ah.

Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ka danbeysay, iyagoo sheegtay inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM, iyadoo aysan weli wax war ah ka soo saarin taliska AMISOM.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON