Monday, June 23, 2025

Koonfur Galbeed oo maamul cusub u magacowday Degmada Buurkhabaka

Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Koofur Galbeed Soomaliya C/raxamaan Ibraahim Adan ayaa  ku dhawaaqay maamul cusub oo KMG ah kaasoo  shaqeyn doona muddo Lix bilood in loo u magacaabay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi oo saxaafadda u aqriyay wareegtadi lagu magacaabay maamulka degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada Buur-hakaba uu u  magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed oo loo yaqaano “Maxamed Nuur”  gudoomiye ku xigeena uu u magacaabay Axmed Maxamed Cali, xoghayaha amniga waxaa loo magacaabay Cismaan Xaaji Mursal, halka xoghayaha maaliyadda loo magacaabay Cabdi Xuseen Maxamed oo loo yaqaano (Cabdi Gaas).

Sidoo kale xoghayaha arrimaha bulshada waxaa loo magacaabay  Abuukar Sheekh Yaroow (Ukur), xoghayaha dowladda hoose waxaa loo magacaabay Cali Nuur (Cali Xaaji), iyadoo wasiirku faray xubnaha maamulkaasi cusub ee loo magacaabay degmada Buur-hakaba ineey waajibkooda u gutaan si hufan oo ay ku jirto waddaniyad iyo xilkasnimo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON