Tuesday, July 1, 2025

Koox hoobiyeyaal ku riday agagaarka Madaxtooyada oo la aqoonsaday

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirse Barre Cali Gaab oo ka hadlay madaafiic shalay lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ayaa sheegay in madaafiicdaasi laga soo tuuray isla degmada gudaheeda.

Gen .Cali Gaab ayaa sheegay in madaafiicdaasi ay ku dhacday degmada isla markaana ay soo rideen koox watay  Gaari ah nooca Noah, waxayna kooxdani xirnaayeen Tuutaha Milateriga Soomaaliya.

Marka laga reebo in kooxdaasi la aqoonsado ma sheegin taliye Cali Gaab wax ka baxsan inay Ciidamada Booliska baaritano ku hayaan kooxdaasi madaafiicda ku soo tuuray  Madaxtooyada Soomaaliya. Mana aha markii ugu horeysay ee madaafiic lala beegsado Madaxtooyada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON