Tuesday, June 24, 2025

Koox hubeysan oo fal Dil ah ka fulisay magaalada Muqdisho iyo faahfaahin laga helay.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa fal toogasho ah ka fulisay Isgoyska Korontada, Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo u dhow Suuqa weyn ee degmadaasi.

Dableyda ayaa weerar ku qaaday Askari ka tirsan ciidamada Canshuurta qaada ee dowladda hoose, kaasoo isla goobta ku geeriyooday markii rasaas badan ay haleeshay, waxaana baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyay.

Waxaa goobta falku ka dhacay soo gaaray ciidamada Amniga oo halkaasi ka qaaday meydka askariga la dilay oo dadka degaanka ayaa shegeen inuu muddo dheer dadka ganacsatada ah canshuurta ka ururin gira.

Falalka lagu khaarijiyo ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta waxaa sheegtay Alshabaab oo falal isugu jira qaraxyo iyo dilal ka fulisa caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON