Ururka islaamiga ee Abu Sayyaf oo ka dagaalama dalkaasi Philippine ayaa la xaqiijiyay inay dil gowrac ah ku fuliyeen muwaadin u dhashay dalka Canada oo ay heysteen ilaa bishii September 2015.
Ninka reer Kanada ee kooxdani gowraceen ayaa lagu magacaabaa John Ridsdel, iyadoo lala qabtay saddex qof oo kale, oo mid ka mida ay ahayd haweeney reer Philippine ah.
Abuu Sayyaf, ayaa hore ugu hanjabtay inay gowrici doonto dadka reer Galbeedka ah ee ay heysato oo uu ka mid ahaa John Ridsdel, Robert Hall iyo Kjartan Sekkingstad oo u dhashay Norway, haddii aan laga bixin madax furasho dhan 80 milyan oo doollar.
Dhamaan dadkan oo ahaa dalxiisayaal ayay xoogag hubeysani ka qafaasheen meel ku dhow Magaalada Davao ee dalka Philippine, ururka Abu Sayyaf ahaa ah urur xiriir la leh Al Qaacidda.
Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa xaqiijiyay in la gowracay muwaadinka Canada ee u afduubnaa Abu Sayyaaf. Wuxuuna ku sifeeyay dil laga naxo oo arxanlaawayaal ay geysten.
Goobjooge.com