Wednesday, July 2, 2025

Koox Liibiyaan ah oo sii deysay Wiil uu dhalay Col. Qadaafi & xaaladiisa oo la qarinayo

Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi, uguna saameynta badnaa ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay.

Koox maamusha gacan ku heynta magaalada Zintan ee galbeedka dalka Libya ayaa waxaa ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen.

Seyf al-Islaam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

Seyf Al- Islaam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii novermber ee sanadkii 2012-ka xilii uu u baxsanayay dalka Niger, waxaana uu soo muuqday isaga oo ka go’an dhowr farood.

Sanadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xiriira falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.

Seyf Al- Islaam Qadaafi
Seyf Al- Islaam Qadaafi

Saif al-Islam ayaa wali waxaa doondoonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxaana loo heystaa dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadanimada. Sidaa ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa haatan kula sugan ehaldiisa magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya.

Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka haray nidaamki Qadaafi. Wiilkan ayaa hadda la qarinayaa goobta uu ku sugan yahay ammaankiisa dartiis.

Iyadoo gudaha iyo dibadda Libiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa hadana waxaa uu xoogaha taageero ka heystaa gudaha Libya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee wadanka Liibiya.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON