Sunday, June 22, 2025

Koox Wasiiro iyo Xildhibaano reer Khaatumo ah oo isbaheysi uga dhawaaqay Buuhoodle

Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in qaar ka mida wasiirada maamula Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr ay ku dhawaaqeen isbaheysi looga soo horjeedo Cali Khaliif.

Wasiirada iyo xildhibaanda Khaatumo ee ku shiray Buuhoodle ayaa shaaciyay inay ka horjeedaan wadahadalka Cali Khaliif la furay Somaliland, waxayna sheegeen inay ka hortegi doonaan diiwaangelinta ay Somaliland ka bilaabeyso Sool iyo Sanaag.

Kooxdan xildhibaanada iyo wasiirada ka kooban ayaa ku eedeeyay Cali Khaliif inuu yahay nin aanay afkiisa iyo dhegahiisa is maqlin, waxayna kula taliyeen inuu ka noqdo waanwaan uu ka doonayo Somaliland.

Ad

Tan iyo intii Cali Khaliif iyo maamulkiisa wadahadalka la fureen Somaliland waxaa Buuhoodle ka dhacay gadood weyn iyadoo ay kala qeybsameen beesha Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON