Wafdi wasiiro koox ah oo ka tirsan xukuumadda ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inay booqasho rasmi ah ku tegayaan, iyagoo heshiisyo kala duwan la saxiixanaya dowladda dalkaasi oo dhowaanahan si weyn u daneyneysay Soomaaliya.
Wasiirada u dhoofay Imaaraaadka Carabta waxaa ka mida: Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar oo wafdiga hogaaminayay ayaa sheegay inay dalka Imaaraadka Carabta u aadayaan kulamo ay la qaadan doonaan madaxda dalkaasi iyo heshiiyo maalgelineed oo lagu sameynayo Soomaaliya.
Xubnaha wafdiga waxaa ka mida Wasiirka howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo wasiir ku xigeeno waxayna inta ay joogaan dalka UAE muddo laba maalmood ah ka qeyb geli doonaan shirar maalgashiga Soomaaliya qaabilsan oo lagu wado in heshiisyo lagu kala saxiixdo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]