Friday, June 27, 2025

Kooxda Alshabaab Guddoomiye cusub u magacawday Gobollada Jubbooyinka

Ururka Al-shabaab ee Guddoomiye cusub (Waali) u magacaabay Gobolada Jubbooyinka, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sheekh Maxamad Abu Cabdalla oo hore u ahaa Waaliga Alshabaab ee Wilaayada Shabellaha Hoose oo dhowaan xilkaasi laga qaaday.

Kooxda Alshabaab waxay xilkii ka qaaday  Guddoomiyihii Xarakada ee Gobolada Jubbooyinka  Xudeyfa C/raxmaan, waxaana tani u muuqataa inay tahay xil kala bedel lagu sameeyay gudoomiyeyaasha gobollada.

Guddoomiyihii ugu horeyaye ee Alshabaab ugu qaabilsanaa Jubooyinka C/casiis Yacquub ayaa hadda ah Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee kooxda.

Arirntan ayaa soo shaac baxeysa xilli dowladd Soomaaliya ay ku dhawaaqday in howlgal lagu sifeynayo Alshabaab laga bilaabo doono Jubbooyinka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON