Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa dad ku gowracday degaan ka tirsan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Weerar ay dableyda Alshabaab ku qaaday degaanada Maleli oo ka tirsan tuulada Witu ee Lamu. Waxaa dadka degaanka ay sheegeen in maleeshiyada Alshabaab ay gowraceen 3 qof oo dadka degaanka ka mida.
Dableyda lagu sheegay inay Alshabaab yihiin ayaa xalay saqdii dhexe u dhacay guryaha dadkan ay gowraceen, waxaana xilli ay hurdayeen ay kala baxeen guryahooda.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka baxday degaanka ay weerarka ku qaadeen, kadib markii ay falkaasi geysteen, iyadoo dadka halkaasi degan ay cabsi weyn ka muujiyeen weerarrada Alshabaab.