Tuesday, July 15, 2025

Kooxda Alshabaab oo Go’doomisay Degmada Beledxaawo & Maleeshiyo fara badan oo ku sii jeeda

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay go’doomisay  degmada Beledxaawo, iyadoo amar ku bixiyey inaan wax gaadiid ah geli karin magaaladaasi.

Tallaabada Alshabaab ayaa ka dambeysay kadib markii maamulka degmada Beledxaawo uu ka saaray degmada xaasaska iyo caruurta Al-shabaab ee ku noolaa degmadaasi, taasoo keentay in Alshabaab ay ku dhaqaaqdo aargoosi ay xayiraad ku saaray Beledxawo.

Dadka ku nool degmada Beledxaawo ayaa sheegay in go’doominta Alshabaab ay magaalada ku keentay sicir barar, inkastoo ay u furan tahay dhinaca Kenya, haddana raashinka ayaa uga imaan jiray koonfurta Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegay in maleeshiyo badan oo ka tirsan Alshabaab ay isugu tageen meel u dhow degmada Beledxaawo , iyadoo laga cabsi qabo inay weerar ku qaadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON