Wednesday, June 25, 2025

Kooxda Chelsea oo si rasmi ah ula soo wareegtay Laacibka Alvaro Morata [DAAWO]

Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo wareegtay ool dhaliyihii kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata.

Laacibka Morata ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo uu u ciyaari doono kooxda Chelsea. Chelsea ayaa 70 milyan oo Gini oo kula soo wareegtay, wuxuuna buuxin doonaa booska uu banneynayo Diego Costa oo dhowaan u wareegi doona kooxda Atletico Madrid.

Chelsea ayaa hore u qaadatay ciyaaryahannada Willy Caballero oo ay si xor ah kula soo wareegtay halka Antonio Rudiger iyo Tiemoue Bakayoko kala soo wareegtay kooxaha AS Roma iyo AS Monaco.

Morata ayaa sheegay inuu faraxsan yahay inuu ku biiro kooxda weyn ee Chelsea isagoo sheegay inuu koobab badan la qaadi doono, si adagna ugu shaqeyn doono inuu guulo la gaaro goolal badanna uu dhaliyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON