Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa xaqiijisay in la dilay hoggaamiyahoodii hore Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi., iyagoo ku dhawaaqay hoggaamiyaha cusub ee hoggaamin doona kooxdaasi.
Hoggaamiyihii Ururka Daacish ayaa dhawaan is-miidaamiyay, kadib weerar ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka oo gudaha dalka Suuriya howlgalka ka fuliyey, waxaana is-miidaamin ku dhintay hoggaamiyihii Daacish. (Halkan ka Akhriso).
Hoggaamiyaha cusub ee Daacish ayaa lagu magacaabaa Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, laakiin Daacish ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan hoggaamiyahooda cusub.
Abu al-Hasan Al-Hashimi Al-Qurashi, ayaa lagu soo bandhigay fariin maqal ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ee dowladda Islaamiga ah, taasoo sidoo kale lagu xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii hore ee kooxda, kaasoo saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inuu isku qarxiyay dagaal uu la galay ciidamada Weerar lagu qaaday goob uu ku dhuumaalaysanayay oo ku taal waqooyi-galbeed ee Suuriya bishii Febraayo 2022.
Bishii Janaayo, dagaalyahannada dowladda Islaamiga ah ayaa weerar geesinimo leh ku qaaday xabsi ay maamulaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee uu Mareykanka taageero ee ku yaal waqooyi bari Suuriya, ujeeddaduna ahayd in ay xoreeyaan saaxiibadooda la xiray.
Boqolaal weeraryahanno ah, maxaabiis iyo maleeshiyaad Kurdiyiin ah ayaa lagu dilay dagaal socday in ka badan toddobaad kahor inta aan xabsiga lagu soo celin gacanta Kooxda Kurdiyiinta. Wali ma cadda tirada maxaabiista ay u suurtagashay in ay baxsadaan intii ay rabshaduhu socdeen.
Waa hoggaamiyihii afraad ee ay yeelato Daacish oo mar xukukmi jirtay qeyo ballaaran oo ka mida dalalka Syriya iyo Ciraaq, ayna dagaal la galeen in kabadan 30 dal oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ruushka.
