Monday, July 14, 2025

Kooxda Daacish oo si aan lama filaan ah u afduubatay ciidamo ka tirsan Puntland

Maamulka Puntland ayaa ciidamo u diray Degmada Qandala ee Gobolka Bari, kadib markii kooxda Daacish ee degaankaasi ka howlgasha ay si qorsheysan u afduubatay ciidamo ka tirsan Puntland.

Koox ka tirsan Daacish oo la sheegay inay si qarsoodi ah howlgal afduub ah uga fuliyeen duleedka Qandala, halkaasoo ay gaari rakaab ah kala degeen 9 askari, kadibna ay qafaasheen, laakiin waxaa ka baxsaday 5 ka mida, halka 4tii kale ay u gacan galeen.

Askarta Puntland ee la qafaashay ayaan la ogeyn meel lala aaday, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Qandala Shariif Maxamed Quurshe waxaa ciidamo gurmad ah loo diray goobtii falku ka dhacay oo Qandala u jirta 35km.

Gaariga lagala degay ciidamada ayaa ku sii jeeday magaalada Boosaaso markii ay dhex u galeen dabley Daacish ka tirsan, waxayna arrintan noqoneysaa markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah ay ku kacaan Daacishta ka howlgasha Gobolka Bari.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON