Tuesday, June 24, 2025

Kooxda Daalibaan oo ku dhawaaqday Xabad joojin lama filaan ah oo ku beegan maalmaha Ciidul Fitriga

Kooxda Daalibaan ayaa ku dhawaaqday xabad joojintii ugu horeysay ee dalka Afghanistan tan iyo intii Mareykanku ku duulay dalkaasi sanadkii 2001.

Daalibaan ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo ay joojineyso dhammaan howlgalladii hubeysnaa ee ay ka wada dalka Afghanistan marka laga reebo iska hor imaadyada ay la gasho ciidamada ajnabiga ah, waxaana ay socon doontaa saddexda maalmood ee Ciidul fitriga ah.

Arrintan ayaa ka danbeysay xabbad joojin hal dhinac ah oo ay dowladda Afghanistan ku dhawaaqday dhowaan, waxayna noqotay tallaabadii ugu horeysay ee kooxda Daalibaan ay u qaado dhinaca nabadda.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Gani ayaa ugu baaqay Daalibaan inay dib uga fiirsato dagaalka ay ka wado dalkaasi oo dad badan oo aan waxba galabsan lagu laayo, isagoo ugu baaqay inay wadahadal toos ah yeeshaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON