Saturday, July 12, 2025

Kooxda Gooni u Goosadka Yemanta Koonfureed ee Imaaraadku taageero oo dagaal ka bilowday Cadan

Wararka laga helayo magaalada Cadan ee dalka Yeman ayaa sheegaya in koox reer Koonfured gooni u goosad ah ay la wareegtay qaar ka mida xarumaha dowladda ee magaalada Cadan.

Dagaal dhex maray ciidamada Kooxdan iyo ciidamada taabacsan madaxweyne Cabdirabu Haadi ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 15 qof, waxaana kooxda oo la baxday Golaha KMG ah ee Koonfureeed oo la sheegay inuu taageero ka helayaan Imaaraadka Carabta.

Madaxda dowladda Yeman ayaa sheegay in arrintan ay tahay inqilaab balse ay ka hortageen. Garoonka diyaaradaha magaalada Cadan ayaa la xiray, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas, iyadoo weli ay xaaladu qasan tahay tan iyo maalintii shalay oo dagaalku qarxay.

Imaaraadka ayaa beeniyay inuu taageerayo Golaha gooni u goosadka Koonfurta Yeman, waxaana wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka AbnWar Qarqaash uu beeniyay eedeynta loo jeediyay dalkiisa oo ah inuu qas ka wado dalka Yeman.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON