Wednesday, June 25, 2025

Kooxda Jubbaland oo guul dirqi ah ka qaadatay kooxda Galmudug

Ciyaar xiiso leh oo ka tirsan koobka maamulada dalka ayaa galabta dhex martay kooxaha maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa guushii ay raacdan kooxda Jubbaland.

Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho ayay labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar adag oo dadweyne fara badan ay u sacab tumayeen, waxaana ay ahayd ciyaar isu dhigan oo labada kooxood ay dadaal badan muujiyeen.

Kooxda Jubbaland ayaa ku badisay 2 Gool iyo 1 oo ay ugu awood sheegatay kooxda Galmudug. Labada kooxood waxay ku wada jiraan Group-ka B, waxaana min hal guul heysta kooxaha Jubbaland iyo Hiiraan/Shabellaha Dhexe.

Jubbaland waxaa hore uga badiyay kooxda Hiiraan/Shabellaha dhexe, waxaana laga war sugayaa ciyaarta xigta ee dhex mari doonta Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON