Waxaa la aqoonsaday kooxdii ka danbeysay qaraxyadii is daba joogga ahaa ee Axadii ka dhacay Dalka Sri Lanka oo hay’adaha Amniga dalkaasi ay ku eedeeyeen koox yar oo xiriir la leh ISIS.
Kooxdan ayaa loo yaqaan National Thowheed Jamaath (NTJ), waxaana hoggaamiya Moulvi Zahran Hashim, oo ah ninka aasaay kooxdan, wuxuuna la baxay magaca “Abuu Cubeyda”, isagoo hore u shaaciyey inuu ku biiray kooxda khilaafka islaamiga ee Daacish.
Hay’adaha Amniga dalka Sri Lanka ayaa la sheegay inay yareysteen digniino ay heleen oo ku saabsan inay qaraxyo ka dhacayaan dalkaasi oo ahaa xogo ay la wadeegaan hay’ado sirdoon, iyadoo haliska kooxdan yar iyo ninka hoggaamiya ay mas’uuliyiinta dalkaasi ku wargeliyeen dad muslimiin ah.

Ciidamada Amniga Sri Lanka ayaa xiray dad ka badan 40 qof oo lagu tuhunsan yahay weerarradii ka dhacay dalkaasi, waxaana weli la helayaa bambooyin aan qarxin oo shalay mid ka mida ay ku qaraxday ciidamo ku howlan inay furfuraan.
8 qarax oo 6 ka mida ay fuliyeen is-miidaamiyeyaal ayaa Axadii lagu qaaday hoteelo iyo Kaniisado ku yaalla dalka Jasiirada ah ee Koonfurta Asia, waxaana ku dhintay 310 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 450 qof oo kale oo ay ku jiraan dad kasoo kala jeeda UK, China, US, iyo dalal kale.

