Kooxo ka wada tirsan Ahlu suna ayaa xalay dagaal ku dhex maray degmada Caabudwaaq, kadib markii a isku qabteen xarig loo geystay mid kamida maleeshiyada Ahlu suna ee ku sugnaa Caabudwaaq kadibna lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Dhuusamareeb.
Wararka ayaa sheegaya in koox Ahlu suna ah oo ka timid Caabudwaaq ay si dhuumaaleysi ah ku tageen Dhuusamareeb oo habeenimo ay ninkii ka xirnaa kala baxeen, iyagoo dib ugu celiyay Caabudwaaq.
Arrintan ayaa khilaaf gacan ka hadal ah ku dhex maray saldhiga degmada Caabudwaaq iyadoo rasaas xoog leh ay isku weydaarsadeen labada dhinac. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi oo dadka degaanka ahi sheegayaan in qof ku dhintay laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]