Friday, June 27, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha oo furay Shirkii ugu horeeyay ee wadatashiga Dastuurka KMG

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo looga hadlayo sidii ururada Bulshada Rayidka ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Kusime-jawari

Waxaa shirkan kasoo qeyb galay qaar kamida  ururada bulshada rayidkaoo ka kala yimid Puntland, Jubba, Galmudug, Koofur Galbeed, Gobolka Banaadir, Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Shirka ayaa loola doodi  doonaa qaabka dib u habeyn loogu  sameyn karo Dastuurka Soomaaliya ee KMG ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidkaa ee ka kala yimid Gobolada dalka ay ka doodi doonaan Dib u Eegis lagu sameeyo Dastuurka islamarkaana waxii ka soo baxa ay noqon doonaan kuwo Faa’ido u ah Shacabka Soomaaliyeed.

Qorsheyaasha horyaala Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah in Dastuurka Qabyo Qoraalka ah laga dhigo mid taam ah oo laga saaro KMG ka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON