Wednesday, June 25, 2025

Kulankii Baarlamaanka ee buuqa ku dhammaaday (Faahfaahin dheeraad ah)

Shirkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kusoo dhammaaday fashil iyo buuq kadib markii guddoonka Baarlamaanka ku guuldarreysay inuu muddo laba jeer ah furo shirka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa markii hore isku dayay inuu dejiyo xildhibaanno taagnaa oo ka horjeeday in la bilaabo mooshinka looga soo horjeedo Ra’iisal wasaaraha. Kadib guddoomiyaha baarlamaanka ayaa galay xafiis uu ku leeyahay gudaha Baarlamaanka oo uu in muddo ah ku jiray.

Wararka ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu xiriir la sameeyay madaxweynaha iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo ugu yimid si ay isugu dayaan inay wax ka qabtaan xaalada caalwaaga ah ee ka taagneyd Baarlamaanka. Markii uu dib ugu soo laabtay ayaa haddana buuqii iyo fowdadii is qabsatay oo markale uu awoodi waayay inuu xakameeyo shirka.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa isku dayay inuu u hanjabo xildhibaanada, marna ka codsado inay fariistaan oo buuqa joojiyaan, laakiin taasi laguma guuleysan, wuxuuna markii danbe ku qasbanaaday inuu shirka soo xiro. Waxaana isku gadaamay ciidamo guddoomiyaha ka kaxeeyay meesha.

Shirkii Baarlamaanka ayaa ugu danbeyntii ku soo dhammaaday buuq iyo qalalaase, markii uu ku guul darreystay inuu furo shirka tan iyo bilowgii shirka. Waxaa maanta shirka kasoo xaadirin guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad oo ku sugan Muqdisho, isagoo la sheegay inuu taageersan yahay Ra’iisal wasaaraha kana war hayay in xaalku shirku buuq ku dhammaan doono.

“Ilaa fadhiga danbe shirka waa xiran yahay” ayuu ahaa warkii ugu danbeebay oo uu ku dhawaaqay markii shirka lasoo xiray, wuxuuna ugu hanjabay in tallaabo ay qaadi doonaan. Lama oga si Baarlamaanku dib isugu soo laaban karo iyo inay suuragal noqon doonto in Baarlamaanku sii shaqeeyo inta mooshinkani yaalo.

Xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa maanta ku guuleystay inay hakiyaan mooshinkii la keeni lahaa, laakiin waxaa dad badan isweydiinayaan inay tani tahay qaab sharci ah oo lagu kala baxo. Waxaa cad inay kooxda taageeran Ra’iisal wasaaraha ka cabsi qabaan in laga tiro bato oo codka kalsoonida ay weydo xukuumadda.

Dad badan ayaa u arka in wixii maanta ka dhacay Baarlamaanka ay sharafta ka qaadeyso xildhibaannada Baarlamaanka oo uu la mid noqon doono kuwii ka horeeyay ee kuraasta isla dhici jiray.

GOOBJOOGE.COM
MUQDISHO

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON