Kulankii la filayay inuu maanta ka dhaco xarunta Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo lagu waday inay bilaabato dooda heshiiska qaabka doorashada ee xukuumadda Soomaaliya u gudbiyay Baarlamaanka.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagu weydiin lahaa su’aalo ku saabsan qaabka doorashooyinka 2016 iyo qodobadda heshiiska Madasha oo xildhibaano badan ay dhaliilo ka keeneen.
Dib u dhaca kulanka maanta ayaa yimid kadib markii shaqaalaha dowladda la fasaxay muddo labo cisho ah maalinta shaqaalaha ee 1-da Mey awgeed.
Maalinta beri ah ee Isniinta ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo kulanka Baarlamaanka, waxaana xildhibaanada Baarlamaanka ay doonayaan isbedel lagu sameeyo heshiiska.
Goobjooge.com