Monday, June 23, 2025

Kuleylka Qoraxda ma dili karaa Virus-ka Corona…? (Daraasadii ugu danbeysay & Faahfaahin)

Iyadoo in muddo ah dood ka taagneyd in kuleylka Qoraxda uu dili karo ama yareyn karo awoodda Coronavirus ayaa daraasadii ugu danbeysay ay sheegtay in shucaaca qoraxda ee tooska ah yareyn karo virus-ka.

Sida uu sheegay William Bryan oo ah sii-hayaha madaxda Waaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mareykanka u qaabilsan Sayniska iyo Tiknologiyada Coronavirus wuxuu ku tarmaa cimilada qalalan iyo goobaha xiran, waxaana aad ugu darran qoraxda iyo cimilada qoyan, isagoo awoodiisa lumiya mar kastoo kuleylka qorraxdu ama qoyaanku sii bato.

Waxaa la saadaalinayaa in xilliga xagaagga ay yaraan doonto saameynta cudurka Coronavirus. Isagoo ka hadlayey Aqalka Cad ee Magaalada Washington ayuu sheegay Wiliam Bryan inuu si degdeg ah ku dhimayo virus-ka Corona marka shucaaca qorraxda ee tooska ahi ku dhacdo.

Arrintan oo marar badan laga hadlay ayaa waxaa dood ka keenay culimo iyo dhaqaatiir ku doodeysa in cudurku ku fiday dalal aad u kulul iyo cimilo qoyan.

Dhinaca kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay inuu qofku qoraxdu isu dhigo aysan waxba ka tareynin Coronavirus marba haddii uu jirkiisa ku jiro, waxayna dadka ugu baaqday inaysan adeegsan kuleylka korontada dhaliso, sida laambadaha la isku diiriyo.

Waxaa muuqata inaan la isku raacsaneyn saameynta kuleylka qorraxda ku yeelan karto Coronavirus ee ah mid si weyn u fida, waxaana weli socda baaritaanka lagu hayo Virus-ka oo fara ba’an ku dunida oo dhan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON