Wednesday, June 25, 2025

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa howgal gaara ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Sida uu sheegay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Cali Baashi Maxamed in cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose.

Abaanduulaha oo SONNA ay soo xigatay ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalladaasi ku khaarijiyeen 8 ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aanu shaacin.

Howlgallada gaarka ah ee ay qaadayaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa dhowaanahan sii kordhayay iyagoo mararka qaarkood la howlgala ciidamo Mareykan ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON