Cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandoosta Milateriga Soomaaliya ayaa weerarkii ugu horeeyay ku qaaday xero ay lahaayeen maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish ee dhowaan shaacisay inay howgal ka bilowday Gudaha Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan ciidamada kumaandooska ayaa sheegay inay bur-buriyeen saldhig lagu tababaro maleyshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee dagaalada cusub ka bilaawday gudaha Soomaaliya.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Jannaale, waxaana la sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen burburinta xarumo dhowr ah oo lagu tababari jiray Daacishta cusub ee Soomaaliya. Sarkaalka ayaa SONNA u sheegay inay ku baadi goobayaan saraakiisha kooxdaas ee ku dhuumaaleysanaya degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.
Goobjooge.com