Wednesday, June 25, 2025

LA-YAAB: Boqorka Sacuudiga oo 21-ka Oktoobar awgeed hambalyo u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

War ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in boqorka dalkaasi uu hambalyo ku aadan 21-ka Oktoobar u soo diray Madaxweynaha & Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Boqortooyada Sacuudiga ee Hamblayada u soo diray madaxweynaha Soomaaliya waxaa ugu horeeya Boqor Salmaan Bin C/casiis, Dhaxal-sugaha dalkaasi Amiir Maxamed Bin Salmaan , Amiir Maxamed Bin Naa’if, iyagoo ugu hambalyeeyay maalinta Qaranimada Soomaaliya.

saudigaArrintan ayaa u muuqata in madaxda Sacuudiga siiba kuwa ka shaqeeya xafiisyada warfaafinta iyo Diiwaanka ay ku khaldameen maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1-da July oo ay u qaateen 21-ka Oktoobar oo dowladii Kacaanka ay ka dhigtay maalin ka weyn 1-da Luulyo.

Khaladka farsamo ee ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday maanta hadal-heynta Soomaalida ku dhex nool baraha Bulshada.

Caadiyan hambalyada maalinta xoriyadda iyo maalmaha kale waa kuwo diyaarsan oo hadba la baahiyo markii la gaaro waqtigooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON