Monday, July 14, 2025

LA-YAAB: Facebook oo macaamiil gaaraya Malaayiin qof dil ku xukumay iyagoo nool

Shabakadda shacbiyadda badan ee Facebook ayaa dad fara badan oo adeegsada ku xukuntay inay dhinteen kadib cilad soo wajahday.

Arrintan ayaa timid kadib markii maamulka Facebook oo maalmaha waday dib u habeyn lagu shaandheynayo dadka adeegsada oo meesha looga saarayo dadka dhintay iyo kuwa nool, taasoo kentay in malaayiin macaamiil ah oo nool lagu daray liiska dadka dhintay.

facebook-death

Dadka sidan ay ku dhacday waxaa ka mida ninka aas-aasay iyo milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg oo la geliyay liiska dadka dhintay. Waxaa kaloo liiska dhimashada lagu daray kumaan qof oo caan ah oo bogagooda dushooda ay ku soo qorantay inay dhinteen.

Macaamiisha adeegsata Facebook ee iyagoo nool la dilay ayaa sheegay inay arrintani filanwaa ku noqotay iyo nasiib darro, iyagoo shirkadda Facebook ka dalbaday cudurdaar iyo raaligelin.

Dadka ay arrintan saameysay ayaa gaaraya Labo Milyan oo ruux, iyadoo loo sheegay dadka inay tacsi u diraan. Maamulka Facebook ayaa sheegay inay dhacday cilad farsamo oo ay si degdeg ah u xaliyeen, waxayna ugu yeereen mid xanuun badan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON