Waxaa la yaab leh inay dunida maanta ka jiraan dadyow badownimadoodu gaartay inay caabudaan dad iyaga la mida, sida ka jirta dadka Buudiyiinta iyo Hinduuga ah.
Dhowaan Gabar yar oo 7 sano jir ah ayaa dalka Nepal loo xulay inay noqoto Ilaah, kadib markii laga helay sida la sheegay tilmaamo lagu xusho qofka gaaraya maqaam ay yaqaanaan KIMARU oo ah in qofkaas Ilaah laga dhigo.
Calaamadahas ayay sheegeen inay ka heleen gabadhan oo lagu magacaabo Yunika, waxaana ka mida inay suniyaheeda u eg yihiin kuwa lo’da, codkeeduna fasiix u yahay sida Boolo-boolada, waana caado dadka reer Nepal ay leeyihiin muddo qarniyo ah oo lagu doorto Ilaahyada KIMARU oo ay u heystaan inuu ruux Ilaahi ah qofkaas yar ku dhex jiro oo ku nool dadka, markaasoo ay si isku mida u caabudayaan Buudiyiinta iyo Hidduuska.
Bandhiga roobka ee dalkaasi ka dhaca bisha July ayay isugu yimaadeen dad fara badan oo gabadhaas yarta ah u barakeystaan, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Ra’iisal wasaaraha Nepal Pushpa Kamal Dahal.
Gabadhan ayaa weli da’deedu yar tahay waxayna la nooshashay waalidkeed, waxayna dadku dalkaasi aaminsan yihiin in cid kastoo indhaheedu qabtaan ay barako iyo nasiib badan ka heleyso.
Aabaha dhalay gabadha ayaa sheegay in markii gabadhood loo doortay Ilhaanimada ay joojiyeen shaqadii ay hore u hayeen oo iyada uun ay ka fekeraan xanaanadeeda. Waxaana u soo baxday shaqo adag oo ah in qofka KIMARU noqdo aan loo ogoleyn inuu ka baxo guriga, isla markaana ay cagahiiisu dhulka gaaraan.
DAAWO SAWIRRO