Friday, June 27, 2025

LA-YAABKA DUNIDA: Hooyo 37 sano jir ah oo dhashay 38 Caruur ah [Daawo]

Mid ka mida la-yaabka adduunka ayaa noqotay haweeney u dhalatay dalka Uganda oo 37 sano jir ah, taasoo la sheegay inay dhashay 38 caruur ah.

Xaaladan oo ah mid naadir ka ah dunida oo dhan ayaa la hadal hayay maalmihii ugu danbeeyay, waxaana si weyn wax uga qoray warbaahinta caalamka.

Hooyadan waxaa lagu magacaabaa Mariam Nabatanzi, waana 37 sano jir waxayna dhammaan 38-da caruurta ah ee ku dhashay gurigeeda ku yaalla tuulada Kabimbiri village,  degmada Mukono ee Uganda.

Dadka ayaa ugu yeera: hooyadii mattaanayaasha, laakiin canugii ugu dnabeeyay waxay ku dhashay Isbitaal iyadoo qalliin lagu sameeyay. Sheekada hooyadan 37 sano jirka ah ee dhashay 38 caruur ah waxay kasoo bilaabatay markii la guursaday iyadoo 12 sano jir, iyadoo dhashay markii ay 13 sano jir ahayd.

Wxaa la sheegay inay lix jeer dhashay mattane laba ah, afar jeerna waxay dhashay mattaane min saddex ah iyo muddo saddex jeer ah oo ay min afar caruur ah oo mattaane ah dhashay. Caruurteeda 10 ka mid waa gabdho, halka ay 28 kale yihiin willal.

Wiilka curadka ah ee Mariam Nabatanzi, wuxuu hadda jiraa 23 sano, halka canuga ugu yar uu yahay 4 bilood jir. Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in haweeneydan ay qabto xaalad hide-side naadir ka ah dunida oo keenaya carruuta badan ee ay dhasho.


Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON