Thursday, June 26, 2025

LA YAABKA DUNIDA: Korneyl ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo 108 sano jir ah, haddana u muuqda..!

Korneyl ka tirsan ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa sheegtay inay da’diisu tahay 108 sano, iyadoo ay arrintan ka yaabisay dadka oo si weyn ugu hadal haya baraha bulshada.

Rejal Umer waa korneyl hore, wuxuuna dhashay 1911, wuxuuna keenay caddeynta warqadiisa dhalashada, isagoo haddana u muuqda nin da’ dhexaad jooga oo aysan ka muuqan gabow iyo da’da uu sheeganayo wax u dhow, isagoo u muuqda 50 sano jir, waana tan keentay in dood badan ay ka dhalato da’diisa.

“Waxaan doonayaa in aan kusii joogo muuqaal wanaagsan 10-ka sano ee soo socota, qofna ima aamineyso marka aan ka hadlayo da’deyda,” ayuu yiri 108 sano jirkan oo warkiisa ay faafisay wakaalada wararka FANA ee raacsan dowladda Itoobiya.

“Berri ayaa la i xiray toddobad markii aan codsaday howlgalnimo galo, anigoo ka shaqeynaya wasaarada shaqaalaha iyo arrimaha bulshada, markaasi oo la iiga shakiyay inaan ka been-sheegayo da’deyda,” ayuu raaciyay.

Image result for Rejal Umer

Askarigan hore waxa uu sheegayaa marka laga reebo 12 mooyee inaanu si dhab ah u sheegi karin cadadka ilmahiisa, wuxuuna ku nool yahay cunto ceerin ah isagoo sheegay inaanu weligiis cunin cunto bisil.

Wuxuu askari ka maamulkii boqorkii Itoobiya ee Haile Selassiem, isagoo ka qeyb galay ciidamadii nabad-ilaalinta ee Rwanda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON