Tuesday, June 24, 2025

LA-YAABKA DUNIDA: Madaxweyne Xaaskiisa u magacaabay ku xigeen Madaxweyne

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriban u magacaabay xilka madaxweyne ku xigeenka.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii afti loo qaaday dhowaan dastuurka dalkaasi oo lagu kordhiyay xilka madaxweyne ku xigeenka oo aan hore u jirin.

Arrintan oo saxaafada caalamka oo dhan hadal heyso ayaa loo arkaa inuu ku xoojinayo awooddiisa dalkaasi saliidda qaniga ku ah ee ka mid ahaa dalalkii Midowga Soofiyeeti.

Magacaabista waxaa lagu qoray barta internetka ee madaxtooyada. Waxayna soo jiidatay dad fara badan oo qaarkood u arkay inay xilkaasi horeba u heysay oo aan loo baahneyn in rasmi ahaan loogu magacaabo.

Ilham Aliyev wuxuu madaxweyne ka ahaa dalkaasi Azerbaijan tan iyo sanadkii 2003, ka dib markuu aabihii dhintay. Xaaska noqotay madaxweyne ku xigeenka Mehriban Aliyeva, oo 52-sano jir ah, waa xildhibaan, waxayna ku takhasutay caafimaadka.

Waxay leedahay hay’ad lagu magacaabo Heydar Aliyey. Warbaahinta dowladda ee dalkaasi waxay badanaa ka warrantaa arrimaha qoyska dalka maamula.

Madaxweynha iyo kuxigeenkiisa waxay isguursadeen 1983-dii
Madaxweynha iyo kuxigeenkiisa waxay isguursadeen 1983-dii

Ururada u ololeeya xuquuqda aadanaha waxay qoyska talada maamula ku eedeeyeen musuqmaasuq. Dowladda ayaa beenisay eedahaas.

Bishii September, Mr Aliyev wuxuu qaban qaabiyay afti lagu aasaasay madaxweyne ku xigeen awood leh, wuxuuna xilka madaxweyne kordhistay todobo sano oo dheeraad ah.

Isbuucii la soo dhaafay, warar sir ahaa oo la dusiyay waxay muujinayeen in xaaska madaxweynaha aysan war badan ka hayn arrimaha siyaasadda.

Aabeheed, Arif Pashayev waa nin taajir ah oo ganacsade ah. Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxay haystaan seddax caruur ah.

Wakaalado/BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON