Telefoonka gacan-qaadka ah (Mobile) ee Iphone oo ay soo saarto Shiekadda Apple ayaa geeri xaqiiqo ahayd ka badbaadiyay askari u dhashay dalka Turkiga oo dagaal kula jiray maleeshiyada jabhadda Kurdiyiinta PKK.
Arrintan ayaa ka dhacday 2-dii bishan degmada Nusaybin ee ka tirsan Gobolka Mardin oo Koonfur Bari ee dalka Turkiga ku yaala, xilligaas oo dagaal qaraar uu dhex maray ciidamada Turkiga iyo jabhadda PKK.
Askariga badbaaday ayaa ah 25 sano jir lagu magacaabo Bozok, waxaana uu ka tegay caasimadda Turkiga ee Ankara isagoo ka mid ahaa ciidan loo diray aaggaasi wuxuu u mahadceliyay telefoonkiisa gacan-qaadka ah ee iPhone oo ugu jiray markii ay rasaas haleeshay laakiin rasaasta ayaa dhaawac yar soo gaarsiisay markii ay ka dhex baxday telefoonka mobile-ka ah oo jeebkiisa ku jiray.
Rasaastu waxay haleeshay lugtiisa midig dhinaca cajirka oo uu telefoonka uu jiray, waxaana xabbada hakiyay telefoonka oo ay ku beegantay. Guddoomiyaha Gobolka Mardin ayaa askariga hadiyad ahaanu siiyay telefoon kale oo iPhone ah.
DAAWO SAWIRRO