Wednesday, June 25, 2025

LA-YAABKA DUNIDA: Wiil leh 31 farood oo ku dhashay Shiinaha [DAAWO SAWIRRO]

Qoys Shiinees ah ayaa dunida u soo bandhigay toddobaadkan wiilkooda oo saddex bilood jir ah, kaasoo leh 31 farood, iyagoo codsanaya in laga taageero qalliin lagu sameeyo oo lacag badani ku baxeyso.

Wiilkan waxaa lagu magacaabaa Honghong waxaana dhalay Qoys ka soo jeeda gobolka Huan ee dalka Shiinaha oo doonaya in lala tacaalo xaalada wiilkan yar.

Wiilkan  wuxuu ku dhashay isagoo leh 31 farood, oo isugu jira 15 farood oo gacmaha ah iyo 16 faarood oo lugaha midiiba ku leeyahay sideed.

Qoyska wiilkan dhalay ayaa aad uga naxay xaalada wiilkan, waxayna doonayaan in lagu kaalmeeyo lacag dhan 30,000$ oo loogu baahan yahay si qaliin loogu sameeyo.

Cudurka keena inay faro aan caadi ahayn dadku yeeshaan ayaa lagu magacaabaa polydactyly. Dhaqtarrada ayaa sheegay in xaalada wiilka Honghong ay tahay mid naadir ah oo aad u adag. Waxaana caadiyan faro dheeraad ah lagu arkaa caruurta ku dhalata 1 canug, kunkii caruur ah.

Hooyada dhashay wiilka ayaa laf ahaanteeda qabta cudurka polydactyly, waxayna leedahay far dheeraad ku leedahay gacan iyo lug waliba, iyadoo ka cabsi qabta in cudurkeedu u gudbay wiilka yar.

Gacmaha wiilka yar ee saddex jirka ah waxay leeyihiin midkood leedahay 8 farood, halka tan kalena ay leedahay 7, lugahiisana mid waliba waxay leedahay 8 farood.

DAAWO SAWIRRO

Canug01

Canug02

Canug03

Canug04

Canug05

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON