Xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka Faransiika Karim Benzema ayaa maxkamad maanta lagu soo taagay kiis ku saabsan cabsi gelin iyo handadaad cajalad jinsi jinsiga ah oo uu ku lug leeyahay ciyaaryahanka kale ee Mathieu Valbuena.
Baaritaan Booliska Faransiiska ku sameeyay ciyaaryahankan ayaa lasheegay inuu qirtay kiiskan, si uu u kaalmeeyo saaxiibkii ay ciyaalnimadii jaalka ahaayeen isagoo ku booriyay inuu bixiyo kharasha ay ka doonayeen koox handadaad ku heysay ciyaaryahankan kuna saabsan cajalada laga duubay.
Dacwad soo oogayaasha aya doonaya in ciyaaryahankan baaritaan buuxda la hoos geeyo, waxaana boolisku ay qabteen maalin ka hor markii kiiska Mathieu Valbuena oo ku lug yeeshay. Qareenada u doodaya Benzema ayaa ku doodaya in uusan wax xiriir ah la lahayn kiiskan, laakiin wararka ayaa sheegaya in Karim Benzema uu qirtay inuu kala hadlay saaxiibkiis Mathieu Valbuena arrintan fadeexad jinsiga ah.
Kiiska Banzema ayaa hadda waxaa go’aan ka gaaraya Garsooraha kiiskan gacanta ku haya oo laga yaabo inuu xabsi ku rido iyo inuu sii daayo, waxaase laga mamnuucay Benzema inuu la kulmo Mathieu Valbuena tasoo ka dhigan in labada ciyaaryahan aanay u wada ciyaari karin xulkooda marka ay la kulmayaan xulalka Ingiriiska iyo Jarmalka Bishan dhexdeeda.
Goobjooge.com