Monday, July 14, 2025

Laacibkii Kubadda Cagta ee George Weah oo loo doortay Mmadaxweynaha Dalka Liberia

Laacibkii hore ee kubadda cagta George Weah ayaa iskudaygii labaad waxa uu ku noqday madaxweynaha Liberia.

Iyadoo la tiriyay inta badan codadkii laga dhiibtay wareegga labaad ee doorashada Liberia ayaa Mr Weah waxa uu weli ka horreeyay ninka ay tartamayeen Joseph Boakai. Waxa uu badeli doonaa madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah, waana markii ugu horreysay taariikhda Liberia muddo tobannaan sanno ah oo awoodda si dimuqraadi ah la isugu kala wareejiyo.

Mrs Sirleaf ayaa ka adkaatay Mr Weah wareeggii labaad ee doorashooyinkii la qabtay 2005, kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi halakeeyay.

Markii gelinkii dambe ee Khamiista uu soo baxay warka sheegaya guusha Mr Weah ayaa taageerayaashiisa waxa ay bilaabeen inay ku dabaaldegaan magaalada caasimadda ah ee Monrovia.

Ololaha xidiggii hore ee kubadda cagta ayaa waxa uu ku wajahnaa dhalinyarada, halka madaxweyne ku xigeenka xilka sii banaynaya Mr Boakai loo arkayay inuu yahay nin da’ ah oo waqtigiisii soo qaatay.

Hasayeeshee doorashada Mr Weah ayaanay dood ka marnayn maadaama madaxweyne ku xigeen uu usoo xushay Jewel Taylor, xaaskii hore ee dagaal ooge ahna madaxweynihii hore ee waddankaasi Charles Taylor.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON