Wednesday, June 25, 2025

Labadii garab ee xildhibaannada Soomaaliya oo ku midoobay Mooshin jalaafo ku ah Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha cusub (Xog cusub)

Magacaabidda jagada Ra’iisal wasaaraha iyo dadaalka loogu jiro xilalka wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha waxaa barbar socda dadaallo kale oo xildhibaanada qaarkood ku doonayaan dano siyaasadeed iyo jagooyin ay ka sugayaan xukuumadda cusub iyo tallaabooyinkii ay qaadi lahaayeen haddii ay iska waayaan liiska golaha wasiirada.

Saxiixa Mooshin cusub oo socda
Saxiixa Mooshin cusub oo socda

Warar xog-ogaal ah oo goobjooge.com ay ka heshay xubno ka mida Baarlamaanka ayaa sheegaya in la bilaabay diyaarinta mooshin cusub oo  jalaafo ku noqon doona madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha uu soo magacaabo labadaba. Mooshinkaas waxaa soo curiyay xildhibaanno shaki weyn ka qaba in xilalkii loo balanqaaday la siin waayo iyo xildhibaano markii horeba ku kacsanaa madaxweynaha iyo kooxdiisa oo taageeray Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Mooshinkan ayaa ujeedadiisu tahay in Ra’iisal wasaaraha iyo Golaha wasiirada hal mar la keeno Baarlamaanka oo mar qura loo codeeyo, halkii markii hore ay ahayd in marka hore Ra’iisal wasaaraha la ansixiyo kadibna golaha wasiirada iyo qorshaha xukuumadda haddana kalsooni la siiyo.

Xildhibaannada mooshinka wada oo labada dhinac ka kala socda ayaa dooanaya inay mar qura ka takhalusaan Ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa haddii ay iska waayaan liiska, halkii ay ka aqbali lahaayeen Ra’iisal wasaare keligiis ah, kadibna ay diidi lahaayeen golaha wasiirada iyo qorshahooda, taasoo ku keeneysa inuu sii joogo Ra’iisal wasaraaha.

Arrintan ayaa culeys kale ku sii kordhineysa madaxweynaha iyo haddiiba la magacaabo Ra’iisal wasaaraha cusub ee la filayo in saacadaha soo socda loo magacaabo Cumar C/rashiid.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON