Friday, June 27, 2025

Lacagtii ugu badneyd oo lagu ururiyay ololihii “لأجلك يا صومال” ee dalka Imaaraadka [Akhriso]

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay Ololihii Bisha Cas ee Imaaraadka ka qabatay guud ahaa dalka Imaaraadka oo laga baahiyay Telefishanada dalkaasi.

Ololaha oo lacago iyo agab kala duwan lagu ururiyay ayaa 8:00 ee waqtiga Imaaraadka oo ku beegan 7:00 fiidnimo ee Muqdisho soo dhammaaday isagoo socday muddo 6 saacadood oo xiriir ah.

Waxaa la shaaciyay in lacag gaareysa 165 Milyan oo Dirhamka Imaaraadka ah lagu ururiyay ololaha, taasoo ka badan lacagtii la rabay oo ahayd 100 Milyan oo Dirhm.

TV-yada Imaaraadka ee hoos yimaada Hay’adda Warbaahinta dalkaasi ayaa ka qeyb qaatay ololaha, waxaana goobaha caanka ah ee magaalooyinka Imaaraadka oo dhan la dhigay sanaadiiq iy shaqaale ka tirsan Bisha Cas oo uu ururinyay deeqaha dadka.

Ololaha po loogu magac daray ‘Soomaaliyeey Dartaa’ – “لأجلك يا صومال”  waxaa amarkiisa bixiyay madaxweynaha dalkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON