Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo muddo dheer la sugayay ayaa goor dhoweyd lagu dhawaaqay, iyadoo madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed uu soo dhisay gole wasiiro ka kooban 24 xubnood, 23 wasiir ku xigeeno iyo 4 wasiiru dowle, waxaana ka dhex Culimaa’udiinka Ahlu Suna ee Gobollada Dhexe.
Munaasabad caawa ka dhacday Madaxtooyada Magaalada Cadaado ayaa looga dhawaaqay Golaha Wasiirada cusub, Waxaana magacyada Wasiirada goobta ka akhriyay Afhayeenka Maamulka Galmudug C/risaaq Maxamuud Xaaji Xasan (Socoto).
Xubno kale ayaa la sheegay in la soo magacaabi doono oo ay ka harsan yihiin golaha wasiirada sida uu sheegay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka cudurdaartay dib u dhaca magacaabidda golaha wasiirada oo uu sheegay inay ku mashquuleen qancinta Beelaha iyo Ahlu Sunna.
DHAGEYSO LIISKA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE GALMUDUG
AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE GALMUDUG
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]