Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku kala qeybsan khilaafka u dhaxeeya Ra’iisal wasaarahooda iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qeyb ka mida ay si toos ah ula safan tahay madaxweyanaha iyagoo ka qeyb qaadanaya ololaha lagu doonayo in lagu rido xukuumada ay wasiirada ka yihiin.

WASIIRADA TAAGEERSAN MADAXWEYNAHA | WASIIRADA AAN GO’AANKA QAADAN WELI (DHEXDHEXAAD) | WASIIRADA LA SAFAN RA’IISAL WASAARAHA |
|
|
|
Wasiirada qaarkood oo si gaara ugu dhow madaxweynaha iyo qaar ka kale oo ay dano gaara iyo arrimo shaqsiyadeed ugu xiran yihiin madaxweynaha iyo saaxiibadiis ayaa ugu horeeya wasiirada ka shaqeynaya inay ridaan xukuuumada ay ka midka yihiin, waxayna inta badan taasi ku dhacdaa marka madaxweynaha u balan qaado inay dib ugu soo laabanayaan xukuumadda cusub ee la dhisi doono.
Ilaa waqti xaadirkan waxay xaaladda Golaha wasiiru mareysaa inuu madaxweynuhu heysto 11 wasiir, halka uu ra’iisal wasaaruhu isku haleyn karo 9 wasiir oo kaliya, lix wasiir oo kale ayaan weli go’aan qaadan ama dhexdhexaad ka ah loolanka socda.
Isbedel ku yimaado siiba marka dagaalka siyaasadeed xoogeyso ee arrintu gaarto mooshin rasmi ah oo Baarlamaanka loo gudbiyo. Wixii isbedel ah ee liiskan ku yimaada iyo sababtiisa waxaad kala socon doontaan Goobjooge.com Insha Allaah.
Goobjooge Info
Muqdisho Somalia