Wednesday, July 2, 2025

Liiska madaxda ka qeybgaleysa caleemo saarka Axmed Madoobe (Shariif Xasan & C/kariin Guled..)

Dhammaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa ka qeybgalaya maanta caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan oo xilligan ka socota magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe Musharax madaxweynaha Jubba
Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubba

Diyaarad ay la socdaan madaxda soo socota ayaa ka degtay magaalada Kismaayo:

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud
  2. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
  3. Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed

Waxaa kaloo saaka tegay Kismaayo wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke.

  1. Waxa shalay tagay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  2. Waxaa kaloo madaxda gobolka ee ka qeyb galeysa caleemo saarka Axmed Madoobe ka mida:
  3. Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhonom,
  4. Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay
  5. Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey
  6. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Bekar Olgan
  7. Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale,
  8. Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji
  9. Xildhibaan Aadan Barre Shiil

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON