ShirkII Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir guddoominayey Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu ansixiyay guddiyada ay soo gudbiyeen wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha iyo Federaalkaoo kala ah:
Guddiga Adeegga Garsoorka oo kala ah:
Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka,
Dr Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka,
Abuukaate Maryan Xaaji Cilmi Ibraahim, ururka Garyaqaannada Soomaaliyeed,
Shariif Sheekhunnaa Mayee, Bulshada Rayidka
Abuukaate Prof” Ciise Axmed Warsame, ururka garyaqaannada Soomaaliyeed,
Axmed Cabdullaahi Xuseen Bulshada Rayidka
Sheekh Cismaan Ibraahim Axmed Bulshada Rayidka
Toddobadan xubnood ayaa maanta fadhigii golaha wasiirada lagu ansixiyay sida uu sheegay wasiirka Cadaaladda. Laba xubnood ee dhiman waxaa ka mida Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo aan ilaa iminka jirin.
[ad name=”HTML-1″]
Sidoo kale waxaa la ansixiyay guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyo Xudduudaha iyo Federaalka, Waxaana magacyada
Guddiga Doorashooyinka ay kala yihiin:
Saciid Xaashi Warsame
Maxamed Xasan Taani
Xuseen Cabdi Aadan
Saciid Cali Sheekh Maxamed
Maxamed Axmed Nuur
C/raxmaan Cusmaan Dirir
Maxamed Daahir Maxamuud
Xaliimo Ismaaciil Cali
Khadiijo Cosoble Cali
Sida uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha dhismaha guddiga doorashooyinka ayaa degdeg loo horgeyn doonaa Baarlamaanka.
Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka ee golaha wasiirrada Soomaaliya Ansixiyeen waxay kala yihiin:
Muuse Garad Cabdullaahi
Liibaan Cali Sahal
Maxamed Muxuddiin Sheekh Mursal
Dr Cabullaahi Gacal Cabdi
Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
Saciido Xasan Cusmaan
Xuseen Xaashi Xasan
C/Khaaliq Cabdullaahi Xamsa
Khaliif C/kariim Maxamed
Magacaabidda guddiyadan oo dhan ayaa lagu saleeyay qaabka awood qeybisaga ee 4.5. Guddiyadan ayaa muhiim u ah hiigsiga cusub ee 2016, iyadoo muddo badan ay dib u dhaceen, waxaase harsan doorkii Baarlamaanka oo sugaya xeerkoodii iyo qaabkii loo ansixin lahaa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]