Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jubba ayaa caawa shaaciyay liiska musharaxiinta buuxiyay shuruudaha doorashada ee u tartami doona doorashada madaxweynaha Jubba oo 15-ka Bishan la filayo inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubba Xabiibo Maxamed Cabdulle ayaa shir jaraaid ku qabtay xarunta Madaxtooyada Jubba iyadoo soo bandhigtay liiska musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha Juba.
Waxaa Guddiga sheegeen in 4 musharax ay buuxiyeen shuruudihii, kuwaas oo kala ah:
- Axmed Maxamed Islaam
- Cusmaan Xuseen Fayruus
- Hilowle Aadan Maxamed
- iyo Maxamed Yuusuf Cusmaan
Musharaxa C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa la sheegay inuu isaga haray doorashada kadib markii ay cadaadis ku saareen dhinacyo kala duwan, isla markaana uu ogaaday inay jirin fursad uu guul ku gaari karo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]