Waxaan halkan Akhristayaasha Goobjoogec.on ugu soo gudbineynaa liiska magacyada wasiirada taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee taageeraya inuu is casilo Ra’iisal wasaarahooda, kuwaasoo oo xalay gudbiyay qoraal ay uga codsanayaan inuu tanaasulo Ra’iisal wasaaraha.
Xubnahan

ayaa loo balanqaaday inay xilalkooda ama ugu yaraan wasiirnimo dib ugu soo laaban doonaan haddii ay ka qeyb qaataan inay ridaan Ra’iisal wasaaraha, laakiin kuma dhiiran inay iyaga laf ahaantooda ku dhawaaqaan inay iska casileen xilalkooda halkii ay sidaas u jeedin lahaayeen Ra’iisal wasaaraha.
Wasiiradan waxaa ugu horeeya wasiirkii hore ee Garsoorka oo ahaa mas’uulka uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
1. Faarah Sheekh C/qaadir
2. Xuseen Cabdi Xalane
3. C/raxmaan Ducaale Beyle
4. C/llaahi Goodax Barre
5. Saciid C/laahi Maxamed Dani
6. Maxamed Sheekh
7. Yuusuf Macalin Amiin
8. Nadiifo Maxamed Cusmaan
9. Daa’uud Maxamed Cumar
10. Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
11. Cabdi Axmed Baafe
12. Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
13. Luqmaan Sheekh Ismaaciil
14. Khaalid Omar Ali
15. Saciid Qoorsheel
Goobjooge.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]